Soomaaliya oo ka dalbatay Qaramada Midoobey in aan la fara-galin siyaasaddeeda arrimaha gudaha
Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)-Danjiraha
dowladda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cismaan (Abuukar Baalle) Khamiistii shalay ka dhax sheegay shirka
Golaha Amaanka in aan la fara-galin siyaasadda gudaha Soomaaliya, labo maalmood
kaddib markii ay dowladda Soomaaliya dalka ka eriday Nicholas Haysom oo ah
wakiilka xoghayaha QM.
‘’Codsigeena Golaha Amaanka
Wakiiladdooda waxaa ay leeyihiin Waajibaad – islamarkaana ixtiraamaan
waajibaadkooda shaqo, iyaga aan faragalin siyaasadda gudaha oo ay xaq u
leedahay oo kaliya dowladda’’ ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada
Midoobey.
Danjiruhu wuxuu muujiyey sida
dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan habmaamuuska iyo
dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka
ilaa hadda lagu tallaabsaday.
Dowladda federaalka ayaa siisay
Wiilka Qaramada Midoobey Nicholas Haysom "Persona non grata" qof aan looga
baahneyn dalka 01 bishan Janaayo, kaddib markii lagu eedeeyay in uu fara-galin
toos ah ku sameeyay arrimaha gudaha Soomaaliya isaga oo baalmaray nidaamkii
Diblomaasiyadda.
Mar uu ka hadlayay Danjire Abuukar arrinta
Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku
soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay
xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya.
Nicholas Haysom oo laftirkiisa
hadal ka jeediyay kulanka si toos ah uma uu soo hadal qaadin ka eryadiisii
shaqada gudaha dalka Soomaaliya balse waxaa uu mar kale ku celiyay walaaca uu
ka qabo wixii ka dhacay doorashadii madaxtinnimada Koonfur Galbeed iyo xariggii
musharax Mukhtaar Rooboow iyo dilka sida uu hadalka u dhigay 15 ruux oo dhintay
intii ay socdeen rabashadii ka dhashay xariggii Rooboow.
Arrintan ayuu sheegay in ay mustaqbalka keeni
karto dad kale u goosta Al-shabaab
kuwaas oo ka faaidaysanaya qalalaasaha.
Xubno ka tirsan Golaha Amaanka ayaa sheegay in
xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ka shaqeynayo sidii uu dib
shaqadiisa ugu celin lahaa Nicholas Haysom oo ay dowladda Soomaaliya ku sameysay shaqo ka ceyrin.
Farhan Haq oo ah ku-xigeenka Afhayeenka Qaramada
Midoobey ayaa sheegay in arintan si qota dheer u baarayaan, lana ogaan doono
dhabaanba sababa keenay is maa dhaafka, taasoo macnaheedu yahay in hab hoose oo
Dibloomasiyadeed arinta loo wajahayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay siweyn
uga carrootay Qoraal uu soo saaray Wiilka Qaramada Midoobey Haysom oo ku amray
Wasaarradda Arrimaha Gudaha in ay jawaab ka bixiso wixii ka dhacay magaalada
Baydhabo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]