4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Puntland oo ku celisay xilliga doorashada inaysan imaan karin mas'uuliyiinta dowladda federaalka

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)-  Puntland ayaa ku celisay inaysan deegaannada imaan karin mas'uuliyiinta dowladda federaalka xilliga ay socoto doorashada kaddib markii Isimadda iyo musharrixiinta ay ka soo horjeesteen go’aankii lagu mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.

War saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland ayaa lagu xaqiijiyay inuu sidiisi yahay amarkii mamnuucayay mas'uuliyiinta dowladda federaalka.

"Iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo dowladnimada, waxay Puntland cadaynaysaa in amarkii wasaaradda amniga uu sidiisii yahay, waxna aan laga beddeli doonin". ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka iyo Isimadda Puntland oo khamiistii shalay ku shiray Garoowe ayaa ka soo horjeestay go'aamada wasaaradda amniga Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]