4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 4 , 2019
Taliyihii saldhigga degmada Warta-Nabadda oo goor dhaw Muqdisho lagu dilay

 

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)- Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Warta-Nabadda Ex Wardhiigley, koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dishay taliyihii Saldhigga degmada.

Taliyaha ayaa la sheegay in lagu toogtay meel aan ka fogeyn saldhigga degmada, iyadoo ay goobta ka baxsadeen kooxdii dilka geysatay.

Ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo laga bixiyay dilka taliyaha oo la sheegay in uu ka mid ahaa saraakiisha ugu firfircoon hay’addaha Amaanka ka shaqeeya ee degmooyinka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]