4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2019
Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo ku-xigeennadiisa oo ka socota Garoowe

Jimco, Janaayo, 04, 2019 (HOL)-  Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maanta oo Jimco ah  dooranaya guddoomiyaha cusub ee golaha wakiilada iyo labadiisa ku-xigeen,iyadoo xilligan ay ka socoto xarunta Baarlamaanka ee ku taalla magaalada Garoowe , hadal jeedinta musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Afar musharrax ayaa isku soo taagey qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kuwaas oo kala ah; Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed ,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,Cabdiraxmaan Cali Jibriil iyo Cabdixakiin Maxamed Axmed oo ku magac dheer Dhoobo.

Faahfaahin ku saabsan musharrixiinta guddoomiyaha golaha wakiilada;

Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daarood)

Muddo saddex mar ayuu u tartamay xildhibaan Dhoobo kursiga guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland laga soo billaabo 2014,waxaa xigtay sannadkii 2015 iyo ugu dambeyn sannadkan 2019ka oo u mar kale tartamayo.

Doorashadii ugu horreeysay ee u ka qaybgalo sannadkii 2014ka, waxa uu ku haray wareegga koowaad,waxa uu haddana mar kale tartamay sannadkii 2015ka xilliga oo Baarlamaankii hore uu xilka ka qaadday guddoomiyihii waqtiga Saciid Xasan Shire, balse waxaa uga adkaaday doorashada Axmed Cali Xaashi.

Sannadkan ayuu markii saddexaad u tartamaya kursigan oo saddex musharrax oo kale ay u sharraxyihiin.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed

Waa siyaasi xilal heer wasiirnimo ka soo qabtay maamulladii madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo madaxweynihii ka horreeyay ee Cabdiraxmaan Faroole.

Xukuumadda waqtiga uu dhammaaday ayuu ka soo noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha , xilka oo loo magacaabay bishii June ee sannadkii 2015ka, balse waxa uu xilkiisa waayay bishii August ee sannadkii 2017ka.

Xildhibaan Cabdi Jamaal, waxa uu sannadkii 2017ka noqday la-taliyaha dhinaca amniga ee madaxweyne Gaas.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Cabdiweli Gaas, waxa uu ahaa agaasimaha xafiiska warfaafinta ,hiddaha iyo dhaqanka madaxtooyada, waxaa lagu xasuusta doorkii muuqday ee u ku lahaa ololihii doorashada ee madaxweyne Gaas.

Cabdirashiid  oo ah abwaan curiya heesa oo ka yimid dalka Ingiriiska , waxaa lagu tiriya shaqsiyaadka ugu dhow madaxweynaha uu waqtigu ka dhammaaday ee Cabdiweli Gaas.

Cabdiraxmaan Cali Jibriil

Waxa uu ka mid yahay tiro xildhibaanno gaaraya 17, kuwaas oo kamid ahaa golihii hore ee wakiilada Puntland, balse mar kale dib loo soo doortay.

Toddobaadkii hore ayuu shaaciyay inuu u tartamayo jagadan, waa ganacsade.

Gabagabadii, Doorashada ayaa loo arka inay tahay mid aad u adag,iyadoo natiijada ka soo baxaysa aad looga warsugayo, waxaana xusid mudan 49 xildhibaan oo ka mid ah 66ka xildhibaan inay yihiin wajiyo cusub oo dhallinyaro u badan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]