3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Mareykanka oo sheegay in duqeyntoodii ugu horeysay sanadkan ka fuliyeen gobolka Baay

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan bilowga ah ee 2019ka duqeyntoodii ugu horeysay gudaha dalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay.

Waxaa uu sheegay taliska in duqeynta oo gaar ahaan laga fuliyay deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle lagu dilay 10 ka tirsan dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

“Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom.

Mareykanka ayaa sare u qaaday duqeymaha uu ku beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 

 

 













Click here
1/3/2019 12:52 PM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka.

1/3/2019 11:35 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.

1/3/2019 10:57 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Xafladdan oo ahayd Mid uu Xilka kula Wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

1/3/2019 6:53 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Shir u dhaxeeyay musharrixiinta madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Isimadda dhaqanka Puntland ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Garoowe, kulanka oo ka dhacay guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Puntland iyo go'aamo dhawaan uu soo saaray guddiga Amniga doorashada Puntland.

1/3/2019 6:51 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Ciidamada Booliiska dowladda federaalka ayaa fashilayay Qarax la dhiggay meel aan ka fogeyn saldhigga Booliiska Beledweyne.

1/3/2019 5:41 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.

1/3/2019 3:39 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay isku soo dhibeen tiradii ugu badneyd ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

1/3/2019 1:20 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xilka loogu dhaariyo Ilhan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Koongaraaska ee dalka Mareykanka.

1/3/2019 12:56 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Sahra Maxamed Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed 21 jir ah ayaa si rasmi ah uga mid noqoneysa xubnaha Golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium kadib markii loo dhaariyay xilkan.

1/3/2019 12:33 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Farhan Haq oo ah ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay si qota dheer ay u baarayaan sababihii keenay in dowladda Soomaaliya shaqada ka joojiso wakiilkii xoghayaha guud ee QM Nicholas Haysom.