4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Aqalka Sare : Waxaan joojinay wada-shaqeyntii Golaha Shacabka

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Soomaaliya in uu wax qabto qoddobada leysku hayo ee keenay joojinta wadashaqeynta labada dhinac waxaana ka mida ah

  • Hareer marida habraaca dastuurka ee meelmarinta sharciga xisaab xirka.
  • Xiriirka dibada ee baarlamaanka federalka,
  • Kala dhowrista xilalka gaar ahaaneed ee labada gole iyo qoddobo kale.

Waa markii ugu horeysay oo Aqalka sare si cad u shaaciyo in uu joojiyay gabi ahaanba wada shaqeyntii Golaha Shacabka oo dhawaan meel mariyay miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2019ka.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]