4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Wasiirka Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya oo xilka la wareegay

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Xafladdan oo ahayd Mid uu Xilka kula Wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaa ka soo qeybgalay Reysalwasare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Reysalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Xaamud, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cabdifataax Maxamed Ibraahim (Geesey), Wasiirka Cusub Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku xigeenka Wasraadda Jamaal Xasan Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirkii hore ee Wasaradda Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa ugu horeyn hadalka qaatay wuxuuna ka hadlay Waxyaabihii u qabsoomay Mudadii uu xilka Hayay oo ay ka mid ahaayeen Heshiisyo uu lagalay Hay’addo Caalami ah & Dowladaha Saaxiibka la ah Soomaliya.

Wasiirka Cusub ee Wasaradda Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa ka sakow Mahad Celinta dhammaanta Xubnaha ka soo qeybgalay Xafladda Waxa uu sheegay in uu la imaan doono hufnaan Cadaalad iyo howlkarnimo dhinaca shaqada ah halkaana uu kasii wadi doono hawlaha horyaalla Wasaaradda, Waxa uuna uga mahadceliyey Madaxwaynaha & Ra'isal Wasaaraha XFS Doorashada ay u doorteen Qabashada Xilkan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore & Wasiirka Cusub ayaa Amaanay Shaqadii uusooqabtay Wasiirkii hore, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ayuu kula dardaarmay inuu layimaado dar dar gelinta howlaha shaqo ee Wasaaradda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]