3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Musharrixiinta madaxwaynaha Puntland iyo Isimadda oo buriyay go’aankii lagu mamnuucay inay madaxda faderaalka imaan karaan Garoowe

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Shir u dhaxeeyay musharrixiinta madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka  iyo Isimadda dhaqanka Puntland ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Garoowe, kulanka oo ka dhacay guriga Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada Puntland iyo go'aamo dhawaan uu soo saaray guddiga Amniga doorashada Puntland.

Go’aamada kasoo baxay waxaa ka mid ah kulanka inay imaan karaan mas'uuliyiinta dowladda faderaalka iyo cidkasta oo aan dambi ka gelin Puntland, in shirkadaha xawaaladaha ay shaqayn karaan oo lacagaha loo soo diri karo oo shaqooyinkoodii hore waxba iska badalin, in lagu kalsoonaado doorashada Puntland iyo in ammaanka laga wada shaqeeyo.

Suldaan Bashiir Muuse Kownte oo ka mid ah Isimadda dhaqanka Puntland waxaa uu sheegay in la laalay xanibaad lagu soo rogay dadka u dhashay deegaannada Puntland ee ka shaqeeya dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena aan la xanibi karin xaawaalada musharaxiintana aan cunaqabatayna aan lagu soo rogin.

Suldaan Kownte waxa uu xusay in laysla gartay in si habsami leh ay u dhacdo doorashada sidoo kalena waxa uu xusay in ay la kulmeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna u taagaan xilka madaxweynaha Puntland.

Afhayeenka musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland,Aadan Maxamed Ciise (Gaadaale) ayaa dhankiisa sheegay in kulankaan uu kusoo gabagaboobay is afgarad lagana wada hadlay arrimaha doorashada, waxa uu inta ku daray in la isku afgartay doorashada inay u dhacdo si cad oo xor ah,isagoo rajo wanagsan ka muujiyay doorashada inay si wanagsan ku dhammaato.

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa loo ballamay inay dhacdo siddeeda bisha Jannaayo oo ay maalmo kooban inaga xigaan,ka hor doorashada waxaa xildhibaannada cusub ay dooran doonan guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/3/2019 2:14 PM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa sheegay in sanadkan bilowga ah ee 2019ka duqeyntoodii ugu horeysay gudaha dalka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Baay.

1/3/2019 12:52 PM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Golaha Shacabka.

1/3/2019 11:35 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Dacwad-oogayaasha Sacuudiga ayaa dil toogasho u dalban doono shan nin oo ku eedeysan dilka weriye Jamaal Khaashuqji, waxaa sidaas maanta werisay wakaaladda wararka dalkaas, ayada oo maanta ay maxkamad billowday dhageysiga dacwadaha 11 eedeysane.

1/3/2019 10:57 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Xafladdan oo ahayd Mid uu Xilka kula Wareegayey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Aadan Hoosoow ayaa Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaradda ee Magaaladda Muqdisho.

1/3/2019 6:51 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Ciidamada Booliiska dowladda federaalka ayaa fashilayay Qarax la dhiggay meel aan ka fogeyn saldhigga Booliiska Beledweyne.

1/3/2019 5:41 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka dambe ka dooday xaaladaha dalka Soomaaliya kaddib markii dowladda Soomaaliya ay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ay ka eriday dalka.

1/3/2019 3:39 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay isku soo dhibeen tiradii ugu badneyd ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

1/3/2019 1:20 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xilka loogu dhaariyo Ilhan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Koongaraaska ee dalka Mareykanka.

1/3/2019 12:56 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Sahra Maxamed Khalif oo ah gabar Soomaaliyeed 21 jir ah ayaa si rasmi ah uga mid noqoneysa xubnaha Golaha deegaanka magaalada Leuven ee dalka Belgium kadib markii loo dhaariyay xilkan.

1/3/2019 12:33 AM EST
Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Farhan Haq oo ah ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay si qota dheer ay u baarayaan sababihii keenay in dowladda Soomaaliya shaqada ka joojiso wakiilkii xoghayaha guud ee QM Nicholas Haysom.