4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Ciidamada oo fashiliyay Qarax la dhigay meel aan ka fogeyn saldhigga Booliiska Beledweyne

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Ciidamada Booliiska dowladda federaalka ayaa fashilayay Qarax la dhiggay meel aan ka fogeyn saldhigga Booliiska Beledweyne.

Qaraxan oo cidna waxba ka soo gaarin ayaa dhigay inta u dhaxeysa saldhiga Booliiska Beledweyne iyo Hotelka Madiina.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in sidoo kale kala fur fureen qarax kale oo la dhigay waddo aad mashquul u ah oo bartamaha magaalada ku taala.

Walxaha la dhigay aggaarka saldhigga ayaa qarxay inkastoo ciidamadu ay ka soo war hayeen ma jirin cid wax-yeelo ay ka soo gaartay.

Ma jiro  faah faahin dheeraad ah oo ay qaraxan ka bixyeen mas'uuliyiinta maamulka gobolka marka laga soo tago in ciidamadu fashilyeen oo kaliya, waxaana uu imnayaa toddobaad kaddib markii sidan oo kale  qarax uu ka dhacay guriga uu ka degen yahay magaalada  Beledweyne guddoomiyihii hore ee gobola Hiiraan Cumar Aadan Baadiyoow

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa hadal haya qaraxyada noocan ah ee loo ekeysiiyo qashinka kaddibna la dhiggo xarumaha dowladda, madaama waayadii ugu danbeeyay magaaladu aheyd mid amaan ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]