4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Ururka Al-shabaab oo sheegay in ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan dowladda

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay isku soo dhibeen tiradii ugu badneyd ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada isku dhiibay oo ka tirsanaa militariga Soomaaliya gaarayaan 13 Askari oo ka howlgalayay Aaga Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa intaa ku daray in ciidamadan iyo hubkooda si toos ah ugu biireen xoogagga Al-shabaab wixii hadda ka danbeeyana ka tirsanaan doonaan dagaalayahan-nadooda

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay isku dhiibeen, waxaana arintaasi ka hadlin maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinaca saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya  madaama Al-shabaab sheegeen in ciidamadan noqonayaan tiradii ugu badneyd ee isku soo dhiiba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]