4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 3 , 2019
Xubno cusub oo loo dhaarinayo Aqalka Congress- ka Mareykanka

 

Khamiis, Janaayo, 03, 2019 (HOL)- Maanta ayaa lagu wadaa in si rasmi ah xilka loogu dhaariyo Ilhan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Koongaraaska ee dalka Mareykanka.

Dhinaca kale guud ahaan maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiraya labada Aqal Congress- ka Maraykanka oo ay so galeen tiraddii ugu badneyd dadka laga tirada badan yahay.

Waxaaa sidoo kale iyana maanta la dhaarinayaaaa Gabadh Muslimad ah oo lagu Magacaabo Rashiida Dhaalib oo Asal ahaan kasoo jeeda dalka Falastiin

Dhaarintan ayaa imaneysa xilli ay qeybo ka mid ah hawlihii dawladda dhexe ay xanniban yihiin sababo la xariira Muranka Madaxweyne Trump ee Miisaaniyadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]