4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Maamulka gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay Muqdisho

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa faah faahin ka bixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku dileen Taalada  Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere  ruux bistoolad ku hubeysnaa oo  damacsanaa in uu dilo askari balse isagii la dilay. 

Waxa kale oo uu ka warbxiyay ruux kale oo uu sheegay in Degmada Yaaqshiid uu ku dilay askari hase ahaatee ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen, waxa uuna bogaadiyay ciidamada amaanka oo uu sheegay in dedaal deeraad ah ay muujiyeen.

Magaalada Muqdisho waxaa toddobaadyadii ugu danbeeyayba ka dhacayay dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan loogu geystay Askar iyo  shaqaale ka tirsan hay'addaha kala duwan ee dowladda, Ganacsato  iyo dad rayid ah dhamaanna dilalka qorsheysan waxaa geystay kooxo garaneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]