4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Ajnabi ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar oo la dhaawacay

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gudaha xabsiga dhexe ee Xamar lagu dhaawacay Nin u dhashay dalka Britain Anthony Thomas kaa oo dhawaan dowladda ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo sitay walxo qarax sameeya.

Maxbuuskan ajnabiga ah oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in xabsiga lagu sii hayo ayaa la sheegay inay xabsiga dhexdiisa ku weerareen maxaabiis u xiran argagaxisenimo.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Xabsiga Dhexe Eedeysane Anthony Thomas ayaa waxaa Dhaawacyo fudud ay ka soo gaareen qoorta, iyadoo dhaawacyada lagu sheegay kuwo fudud, waxaana halkaasi ku dabiibaya dhaqaatiirta xabsiga dhexe.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo iyadu xirtay ajnabigaan u dhashay Ingiriiska ilaa iyo haatan kama aysan hadal sida ay ku dhacday in xabsiga dhexe lagu weeraro Thomas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]