3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Trudeau oo eryay safiirkii Canada u fadhiyay Shiinaha xilli uu taagan yahay khilaafkii Huawei

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Ra'iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa waxa uu eryay safiirka dalkiisa u fadhiyay Shiinaha, John McCallum.

Arrintan ayaa timid kaddib hadal uu jeediyay Mr McCallum oo ku saabsanaa kiiskii dhoofinta ee ay ku lugta laheyd sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda weyn ee Shiinaha ee isgaarsiinta ee Huawei.

Mr Trudeau ayaa bayaan uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu John McCallum xilka banneeyo hasayeeshee wax sabab ah muusan sheegin.

Xariga Meng Wanzhou, oo ku dhacay codsi ka yimid waddanka Mareykanka, ayaa waxa ay ka caraysiisay Shiinaha waxa ayna arrintaasna xumaysay xiriirkii Canada kala dhaxeeyay Beijing.

Ms Meng, oo ah madaxa maaliyadda ee Huawei, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay hareer martay cunaqabateynta Mareykanka uu ku soo rogay waddanka Iiraan. Iyada iyo shirkadda Huawei-ba waa ay diideen eedahaasi.

Mr Trudeau ayaa bayaankiisa waxa uu ku sheegay: "Xalay waxaan waydiistay John McCallum inuu iscasilo wuuna aqbalay inuu banneeyo xilka safiirka Canada ee Shiinaha.

Waxa uu sheegay in diblumaasigan rug caddaaga ah uu dadka Canada ugu adeegay si sharaf leh isagoo weliba xilal kala duwan ka soo qabtay golaha wasiirrada, waxa uuna uga mahadceliyay isaga iyo qoyskiisaba adeegga ay dalka u qabteen.

Mr McCallum ayaa Talaadadii waxa uu kiciyay khilaaf markii uu meel fagaara ah kaga dooday in codsigii dhoofinta Mareykanka ee Ms Meng uu ahaa mid dhaawac culus keenay.

Maalintii xigtay ayaa waxa uu shaaciyay bayaan sheegaya in uu "si khaldan u hadlay" iyo inuu ka xun yahay in hadalladiisa ay abuureen "jahawareer".

Hasayeeshee Jimcihii ayaa waxaa la soo xigtay isagoo leh "Canada waxaa u wanaagsanaan laheyd" haddii Mareykanka uu dib ula laaban lahaa codsigiisa.

ilowgii bishan, saraakiisha Mareykanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen inay qorsheeyeen inay sii wadaan codsigooda ah in la soo dhoofiyo Ms Wanzhou.

Washington ayaa waxa ay haysataa 60 casho oo ay tahay inay ku soo gudbiso dalabkeeda rasmiga ee soo dhoofinta, mudadaas oo ku eg 30 bisha Janaayo.

Meng Wanzhou, waa 46, waxa ayna shirkadda Huawei ku soo biirtay horraantii 1993.

Waxa ay ka qalinjabisay jaamacadda Seyniska iyo tiknoolajiyadda ee Huazhong sanaddii 1999,waxa ayna baratay culuumta xisaabaadka.

Waxa ay xilligaasi ku biirtay waaxda dhaqaalaha ee shirkadda Huawei.

Meng Wanzhou waxaa dhalay milkiilaha shirkadda Huawei Ren Zhengfei.

Sanaddii 2011 waxa ay noqotay madaxa dhaqaalaha ee shirkadda ,waxaana bilooyiin ka hor loo dalacsiiyay gudoomiya ku xigeenka shirkadda.

Xarigga madaxa shirkadda Huawei Meng Wanzhou ayaa waxa uu Mareykanka iyo Shiinaha ka dhex dhaliyay xiisad siyaasadeed.

Labada dal ayaa waxay horey isugu hayeen ganacsiga iyo canshuuraha alaabaha loo kala dhoofiyo.

Xigashada Warkan : BBCSomalia 
 













Click here
1/27/2019 1:13 PM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa faah faahin ka bixiyay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho.

1/27/2019 9:57 AM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)- Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gudaha xabsiga dhexe ee Xamar lagu dhaawacay Nin u dhashay dalka Britain Anthony Thomas kaa oo dhawaan dowladda ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo sitay walxo qarax sameeya.

1/27/2019 6:33 AM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan wadatsshi ah kula qaatay xarunta madaxtooyada Puntland madaxda dowlad gobolleedyada.

1/27/2019 3:52 AM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa warbaaihnta u soo bandhigay mid ka mid ah gaadiidka quluf ee dagaalka oo sida ay sheegeen kala wareegeen ciidamada xoogga dalka.

1/27/2019 1:37 AM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL) –Inta la xaqiijinayo hal qof ayaa ku dhintay Qarax xalay ka dhacay ilinka hore Shaleemo ku taala magaalada Nairobi sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska Kenya.

1/27/2019 12:47 AM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL) –Ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa iska caabiyay weerar dhabogal ah oo ay xalay ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Jalalaqsi oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

1/27/2019 12:26 AM EST
Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada calleemo saarka hoggaanka cusub cusub ee Puntland, ayaa ballanqaaday wada shaqeyn buuxda iyo uu xoojinayo xiriirka dowladda dhexe kala dhaxeeya dowlad gobolleedyada.