4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Al-shabaab oo soo bandhigtay Gaari Qufulan oo ay kala wareegeen ciidamada xoogga dalka

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa warbaaihnta u soo bandhigay mid ka mid ah gaadiidka quluf ee dagaalka oo sida ay sheegeen kala wareegeen ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in gaariga ay kula wareegeen dagaal ay la galleen sida ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gobolka Shabeellaha Hoose,

Sawirro ay warbaahinta u soo badhigeen ayaa waxaa ka muuqday dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo dusha sare ka saaran gariga, islamarkaana gacanta ku haya astaan ama calanka u gaarka ah Ururka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay saanad ciidan oo dowladda Federaalka ka heshay dowlado shisheeye, sida ay baahisay warbaahinta afkooda ku hadasha.

 

Wali dowladda wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada Ururka Al-shabaab iyo muuqaalka gaariga lagu baahiyay baraha bulshada  ee la sheegay in lagala wareegay ciidamada xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]