4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Qof ku dhaawacmay Qarax ka dhacay magaalada Nairobi

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL) –Inta la xaqiijinayo hal qof ayaa ku dhintay Qarax xalay ka dhacay ilinka hore Shaleemo ku taala magaalada Nairobi sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliiska Kenya.

Qaraxan xalay ayaa imanaya xili Safaaradda Mareykanka ee Nairobi digniin ay soo saartay uga digtay baahida loo qabo in ay yareeyaan ama joojiyaan tagista goobaha ay dadweynuhu ku badan yihiin sida xarumaha dukaamada, hudheelada, iyo goobaha cibaadada".

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in wadaan baaritaano la xiriira Qaraxa oo qalqal badan ku abuuray dadka magaalada Nairobi.

15-kii bishan Janaayo ayay aheyd markii qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, weerarkaas oo lagu dilay labaatameeyo ruux, iyadoo weerarkaas ay sheegatay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]