4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 27, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo balanqaaday wadashaqeyn iyo xoojinta xiriirka dowlad gobolleedyada

 

Axad, Janaayo, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada calleemo saarka hoggaanka cusub cusub ee Puntland, ayaa ballanqaaday wada shaqeyn buuxda iyo uu xoojinayo xiriirka dowladda dhexe kala dhaxeeya dowlad gobolleedyada.

Munaasabada oo aheyd mid leysku arkay oo ay ku kulmeen siyaasiyiin iska soo wada horjeeda, ayuu madaxweynuhu si gaar ah u ballan qaaday muhiimadda midnimada, wadajirka iyo iscafinta si loo helo Dowlad ka shaqaysa xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta maqaamkii ay ku lahaayeen dunida.

“Qarannimada waxa lagu gaari karaa iyada oo la helo Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo wadashaqayn iyo waxqabad leh. Wadashaqayntu waa iyada oo la wada tashado, la isu tanaasulo, wax la wada qorshaysto, loona turo shacabka Soomaaliyeed. waanu ognahay meesha uu khilaafku ina gaar-siiyey dhowr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay.”

Khudbadaha munaasabadii xalay oo si gaar ah ay diirradu u saarneyd ayaad moodeysay in laga ilaaliyay hadallo xanaf ah oo sii kala fogeyn kara dhinacyada isku siidan siyaasada Soomaaliya, dhamaanba khudbooyinkii la jeediyay ayaa ahaa kuwo laabta leysku xaarayay, taasoo muujineysa in guddiga qaban-qaabadu mar horeba ka sii baaraan –degay khudbooyinka iyo madaxdu goobta ka jeedinayeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dadaalkii dowlad-dhiska Puntland ay qayb muhiim ah ka ciyaareen qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Warbaahinta iyo Ganacsatada, ayna mudan yihiin in la aqoonsado doorkoodii miradhalka ahaa, laguna bogaadiyo.

Siyaasiyiinta la filayay in ay khubaddo jeediyaan ayaa fursad helin ay halkaa hadallo uga jeediyaan sida hoggaamiyaha Xisbigga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo madasha fadhiyay oo kaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]