4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Caleema-saarka Madaxweynaha Puntland oo soo gabagabowday

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Munaasabadda lagu caleema saarayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa hadda ku soo gabagabwday magaalada Garoowe.

Xafladda oo lagu tilmaamay kulankii ugu ballaarna ee kulmiya qaybaha Soomaalida ayaa waxaa hadallo ka jeediyay xubnihii ka qaybgalay oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa u mahadceliyay xubnihii ka soo qaybgalay xafladda, waxa uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii ay Puntland horay ugu socon lahayd.

Madaxweyne Farmaajo, oo khudbaddii u dambeysay ka jeediyay xafladda ayaa dhankiisa ballan-qaaday in dowladda federaalka ay la shaqeyn doonto hoggaanka cusub ee Puntland, sidoo kale waxa uu munaasabadda ka sheegay inuu xalay dhalay qaaddan doono ,isagoo cafis dalbaday, waxa uu inta ku daray inuu la shaqeynayo dowlad-gobolleedyada.

Xafladda waxaa kalo hadallo ka jeediyay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh, sidoo kale waxaa ka hadlay xafladda ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, labo madaxweyne oo xilka isaga dambeysay Puntland, waa Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas, xubno ka socday beesha caalamka,safiirro, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka federaalka ,guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo  xubno kale oo u ka mid yahay guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa khudbaddo jeediyay.

Madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa iyaguna hadallo ka jeediyay xafladda,iyagoo dhankooda ballanqaaday inay la shaqeyn doonan madaxweynaha cusub ee Puntland.

Munaasabadda oo hadallada laga jeedinayay isha lagu wada-hayay ma jirin wax hadallo siyaasi ah oo la isku dhafsadday,iyadoo arrinta ay ka dambeysay markii madaxweynaha Puntland iyo guddiga qaban qaabadda xafladda ay codsadeen in munaasabadda laga dhowro hadallada xanafta leh,sida ay oggaatay HOL.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]