3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo aan khudbad ka jeedin doonin xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaanan wax hadal ah ka jeedin doonin xafladda ka socota xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe oo lagu caleema-saarayo madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur , oo hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay kulan uu la qaatay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ka codsaday inuusan wax khudbad ah ka jeedin xafladda, isagoo inta ku daray in go'ankan uu la xiriiro shuruud ka timid dhinaca dowladda federaalka, sida ay ku warrantay idaacadda VOA-da.

Munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Puntland ayaa goor dhow si rasmi ah u billaabatay , waxaana ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Garoowe maanta gaaray  iyo labo madaxweyne oo xilka ugu horreeyay.

Waxyaabaha aadka isha loogu hayo ayaa waxa ugu horreeya khudbadaha xafladda laga jeedin doono, waxaana la sugayay inuu munaasabadda hadal ku yeesho siyaasiga inta badan dhaliila hoggaaminta madaxda dowladda federaalka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wallow ay hadda baahisay VOA-da inuusan wax hadal ah ku lahayn xafladda.

Warar kale oo ay munaasabadda ka heshay HOL, ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Puntland uu ka codsaday madaxda dowlad-gobolleedyada inaysan soo hadal qaadin khilaafka dowladda federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]















Click here
1/26/2019 5:37 PM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Munaasabadda lagu caleema saarayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa hadda ku soo gabagabwday magaalada Garoowe.

1/26/2019 1:55 PM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Xafladda caleema-saarka madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash , ayaa goor dhow si rasmi ah uga billaabatay hool weyn oo ku dhex yeella xarunta madaxtooyadda Puntland ee duleedka magaalada Garoowe.

1/26/2019 11:32 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo dhaweeyay Garoowe wafdi ka socda Kenya oo u hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Gaarisa iyo Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya.

1/26/2019 10:38 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Goboleedka Puntland.

1/26/2019 9:32 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Ahmed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa xalinta khilaafka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bartiisa Twitter –ka soo dhigay qoraal kooban uu kaga hadlayo in la xaliyay khilaafkii waayadii ugu danbeeyayba ka taagnaa dowlad deegaanka.

1/26/2019 5:10 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

1/26/2019 4:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya,Shariif Sheekh Axmed oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

1/26/2019 1:48 AM EST
Sabti, Janaayo 26, 2019 (HOL) - Xildhibaan Feysal Xasan oo ah mudane laga soo doorto xaafadda York South—Weston ee magaalada Toronto ee gobolka Ontario, ayaa Soomaalida ku nool gobolka uga digay sharciga cusub ee ku saabsan wadista gawaarida oo dhaqan galay bilowgii bishan Jan. 2019.

1/26/2019 1:05 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

1/26/2019 12:41 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo goor dhow ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ku sii jeedda Garoowe.

1/26/2019 12:33 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Dowladda Itoobiya ayaa waddooyinka waa weyn ee caasimadda Addis Ababa ka mamnuuceysa in qaxootiga Suuriyaanka ay ku dawarsadaan ,iyadoo la diyaariyay ciidan dhaqan geliya qorshahaa, sida laga soo xigtay madaxa qaxootiga dalka Itoobiya, Yemane Gebremeskel.

1/26/2019 12:12 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dalka Marekanka ,Donald Trump ayaa saxiixay heshiis oggaalanaya in dib loo furo shaqadii dowladda Marekanka oo muddo hakad ku jirtay.

1/26/2019 12:04 AM EST
Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Magaalada Garoowe, waxaa ka socota qaban qaabada u dambeysay ee xaflad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Baarlamaanku ay doorteen siddeedii bishan Jannaayo iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.