4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Wafdi ka socda Kenya oo ka qaybgalaya xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Puntland

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo dhaweeyay Garoowe wafdi ka socda Kenya oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha degmada Gaarisa iyo Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay wafdi Kenya ee soo gaaray Garoowe, si ay uga qaybgalaan munaasabadda caleemo-saarka,waxa uu inta ku daray inay qaadan doonan kulamo gaar gaar ah.

Xildhibaan Yuusuf Xaaji oo ka mid ah Baarlamaanka Kenya ayaa dhankiisa sheegay in uu salaan ka sido madaxweynaha dalka Kenya, shacabka Soomaalida ah ee dalka Kenya iyo guud ahaan bulshada Kenya, isagoo ku ammaanay Puntland sida dimuquraadiyada leh ee ay doorashooyinka uga dhacaan.

Munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa ka qaybgalaya wafuud kala duwan oo dalka iyo dibadiisa ka timid,saddex madaxweyne oo xilalka isaga dambeysay Soomaaliya iyo siyaasiyiin.

Xafladda ayaa aad isha loogu haya,iyadoo la filayo goor dhow inay ka billaabato hool weyn oo ku dhex yaalla xarunta madaxtooyadda ee duleedka waqooyi ee magaalada Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]