4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Garoowe

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garoowe madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ,mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha xukuumadda Puntland iyo dadweyne.

Madaxweynaha waxaa kaga soo horreeyay magaalada Garoowe, wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka iyo xildhibaanno labade gole ee Baarlamaanka ka socda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka qaybgalaya xafladda caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Waa markii labaad ee madaxwayne Farmaajo ,  uu yimaado Puntland tan iyo markii xilkaasi uu qabtay, waxaana booqashadiisii hore uu ku yimid Puntland 7dii bishii Jannaayo ee sannadkii hore.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]