4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Shariif Sheekh Axmed iyo Cali Maxamed Geeddi oo gaaray Garoowe

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) –  Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya,Shariif Sheekh Axmed oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shariif Sheekh Axmed, oo ay weheliyeen xubno kale oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiye ee Himilo Qaran, waxaa garoonka diyaaraha Garoowe ku soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo u ka mid yahay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole.

Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qaybgalaya xafladda lagu caleemo-saarayo madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Dhinaca kale, wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaarihii hore ee dowladda kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya , Cali Maxamed Geedi ayaa soo gaaray magaalada Garoowe,halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Geeddii ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta lagu casuumay munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha cusub oo lagu wado in la qabto galinka dambe ee Sabtida maanta.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]