4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Garoowe

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Soo dhowaynta wafdiga madaxwayne Farmaajo ayaa siwayn looga dareemayaa magaalada Garoowe , halkaas oo u uga qaybgalayo  caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Garoowe uga horreeyay Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Gole, sidoo kale maalmo ka hor waxaa gaaray Garoowe Ciidammo Ilaalo u ah.

Magaalada Garoowe ayaa la ciir ciireysa Madax hore, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay, si ay uga qeyb galaan munaasabadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Waa markii labaad ee madaxwayne Farmaajo ,  uu yimaado Puntland tan iyo markii xilkaasi uu qabtay, waxaana booqashadiisii hore uu ku yimid Puntland 7dii bishii Jannaayo ee sannadkii hore, xilligaasi oo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada uu ahaa mid wanaagsan, waxaana uu dhagax dhigay mashaariic aan wali waxba laga qaban.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]