4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeedda Garoowe

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) –    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo goor dhow ka soo ambabaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ku sii jeedda Garoowe.

Shariif Sheekh Axmed, oo hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran iyo wafdi weheliya ayaa u tagaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka qaybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa.

Xafladda waxaa kalo ka qaybgalaya wafuud kala duwan, waxaa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii ku xigay Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa kalo ay xafladda kulmisay siyaasiyiinta mucaaradka ah , xubno ka socda golayaasha dowladda federaalka iyo madaxda dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]