4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Itoobiya oo ka mamnuuceysa qaxooti Suuriya inay waddooyinka Addis Ababa ku dawarsadaan

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) –   Dowladda Itoobiya ayaa waddooyinka waa weyn ee caasimadda Addis Ababa ka mamnuuceysa in qaxootiga Suuriyaanka ay ku dawarsadaan ,iyadoo la diyaariyay ciidan dhaqan geliya qorshahaa, sida laga soo xigtay madaxa qaxootiga dalka Itoobiya, Yemane Gebremeskel.

Illaa lix boqol oo Suuriyaan ah ayaa soo galay dalka Itoobiya intii u dhexeysay bishii August iyo December ee sannadkii hore badankoodna waa ay laabteen balse qaar kale ayaa weli jooga kuwaasoo waddooyinka ka dawarsada.

Ku dhawaad 120 Suuriyaan ah ayaa codsaday qaxootinimo dalka Itoobiya  oo ka mid ah dalalka ugu badan ee soo dhoweeya qaxootiga waxaana la siiyaa dadkaas taageero dhan illaa $73. Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa la yaabay markii ay arkeen dad Suuriyaan ah oo jooga waddooyinka caasimadda isla markaan qoorta u suran tahay warqad ku qoran afka Amxaariga oo ay ku codsanayaan kaalmo.

Waddanka Itoobiya ayaa waxaa ku nool qaxooti ka kala yimid dalalka Soomaaliya ,Koonfurta Suudaan ,Eritrea iyo Suudaan kuwaasoo tiradoodu gaareyso illaa sagaal boqol oo kun oo ruux.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]