4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Madaxweynaha Marekanka oo oggaaladay in dib loo furo shaqadii dowladda

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dalka Marekanka ,Donald Trump ayaa saxiixay heshiis oggaalanaya in dib loo furo shaqadii dowladda Marekanka oo muddo hakad ku jirtay.

Heshiiskan oo uu saxiixay Trump , habeenimadii xalay waa mid kumeel-gaar ah  kaa oo oggaalanaya in muddo saddex toddobaad ah dib loo furo howlihii shaqo ee dowladda,waxaana tallaabadan ay fursad u siinaysa shaqaalaha dowladda ee uu hakadku saameeyay inay dib u helaan mushaaradkoodii.

Sharcigan cusub ayaa oggolaanaya in illaa iyo 15ka bisha dambe la fasaxo shaqada dowladda isla markaana la ansixiyo miisaaniyad ku filan, laakin sharcigan ayaa waxaa ka maqan miisaaniyaddii uu madaxweynuhu codsaday ee lagu dhisi lahaa darbiga laga dhisayo xadka Maraykanka iyo Mexico, qodobkaasi oo ahaa mid uu madaxweyne Trump si aad ah ugu dheganaa.

Sharcigan waxaa ansixiyay labada aqal ee golaha congresska Maraykanka ,iyada oo uu madaxweyne Donald Trump , qalinka ku duugay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]