4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2019
Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa oo la caleemo-saarayo

Sabti, Janaayo, 26, 2019 (HOL) –  Magaalada Garoowe, waxaa ka socota qaban qaabada u dambeysay ee xaflad lagu caleemo-saarayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Baarlamaanku ay doorteen siddeedii bishan Jannaayo iyo ku-xigeenkiisa  Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wafuud kala duwan oo ka qaybgalaya munaasabadda ayaa ku sugan magaalada Garoowe, kuwaas oo isugu jira golayaasha dowladda federaalka wafdi ka socda, madaxda dowlad-gobolleedyada dalka, siyaasiyiin mucaarad ah iyo labada gole ee Baarlamaanka.

Waxaa la filayaa wafuud kale inay maanta gaarto magaalada Garoowe,iyadoo dadka ka qaybgalaya ay ka mid yihiin xubno ka socda beesha caalamka iyo safiirro matalaya waddamada dariska ah iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa la xoojiyay,iyadoo ciidammo dheerad ah lagu arkayay tan iyo xalay waddooyinka magaalada xarunta ah ee Garoowe iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]