4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2019
Al-shabaab oo lagala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

 

Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa Al-shabaab ka saaray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Al-shabaab lagala wareegay deegaannada kala ah Canjeel, Beerxaani iyo waliba Jannaayo Cabdalla.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab qasaaro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiyay Howlgalkaasi, waxaa uu xaqiijiyay dhimashada 10 dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab isagoona dhaawaca uu sheegay in ay gaarayaan 22 dagaalyahano iyo hor-jogayaal

S/guuto Bogmadow ayaa ugu danbeyntii sheegay in dagaalka Al-shabaab looga qabsaday Afar gadiid oo ah kuwa dagaalka iyo hub fara badan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo la xiriira sheegashadan mana jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada ciidamada Milatariga.

Howlgalka ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay ciidamada Jubbaland ka wadeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]