4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2019
Madaxweynaha Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay saraakiilka ka socdey hay’adda UNSOM

Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha  Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM , weftigan ayaa waxaa hoggaaminayey Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta UNSOM, Tariq Chaudhry.

Mr Tariq ayaa  hoosta ka xariiqay Horumarka iyo Ammaanka ka jira  Puntland inuu yahay mid muuqda oo taabagal ah, wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay Qaramada Midoobey in ay taageerto dadaallada wanaagsan ee dhinacyada horumarka iyo siyaasadda.

Dhinaca kale,Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay wafdiga Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta ee UNSOM  in ay Puntland soo dhaweynayso shaqooyinkooda, wuxuuna ballan qaaday in ay Puntland hormuud u tahay Soomaaliya oo horumar wanaagsan gaarta, ayna ka shaqeynayso midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni ayaa boggaadiyey shaqada hay’addaha Qaramada Midowbay ka hayaan gudaha Puntland, gaar ahaanna hay’adda UNSOM, isla markaana waxa uu saraakiisha xafiiskaasi kula dardaarmay inay dardargeliyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay ka hayaan dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]