4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2019
Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo gaaray Garoowe

Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)-  Wafuud ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo u hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdi kale oo u hoggaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.

Wafuudda ayaa ka qaybgalaya munaasabadda caleema-saarka ee madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku-xigeenkiisa,iyadoo la filayo in mas'uuliyiinta sare ee dowladda federaalka ay ka qaybgali doonan xafladda caleemasaarka.

Dhinaca kale, booliska magaalada Garoowe ayaa mamnuucay maalmaha ay socoto munaasabadda caleemasaarka ee 26 bishan Jannaayo iyo 27 bisha, inay shaqeeyaan gaadiidka dadweynaha gaar ahaanna bajaajta oo inta badan cariiri ka dhalisa waddooyinka magaalada xarunta ah ee Garoowe.

Howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ayaa sidoo kale ka socda waddooyinka iyo goobaha kale ee muhiimka ah oo lagu arkayay ciidan gaar ah oo sugaya amniga magaalada Garoowe.

Munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa dhacaysa 26 bishan Jannaayo, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada xafladda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]