3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2019
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare oo gaaray magaalada Garoowe

Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Soomaaliya,Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafdiga, guddoomiyaha Baaralamaanka Puntland iyo mas'uuliyiin kale.

Guddoomiyaha golaha aqalka sare oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed oo hal mid ah ay si wadajir ah uga shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka.

Wafdiga ayaa u tagay Garoowe ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, oo la filayo in la qabto dabayaaqadda bishan Jannaayo.

Wafuud kala duwan oo ka socda dowladda federaalka iyo siyaasiyiin kale ayaa maalmaha soo socda la filayaa inay gaaran Garoowe, waxaana hadda ku sugan wafdi wasiirro ah oo ka socda dowladda federaalka.

Xafladda caleemasaarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, waxaa la sheegay in la qaban doono 26 bishan Jannaayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
1/24/2019 12:32 PM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa Al-shabaab ka saaray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

1/24/2019 10:19 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu kulan la yeeshay madax ka socota Xaafiiskaa siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM , weftigan ayaa waxaa hoggaaminayey Madaxa Xaafiiska Siyaasadda iyo Dibu heshiisiinta UNSOM, Tariq Chaudhry.

1/24/2019 10:07 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Wafuud ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

1/24/2019 9:52 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qayb galey aas qaran oo loo sameeyey Murxuum Gen Cabullaahi Cai Mire (Carays).

1/24/2019 7:46 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Hay’adda dhawrista tayadda Somaliland ayaa xidhay cijaalka ku yaalla Hargeysa oo dadka ku dabiibay dawooyin uu sameeyey oo dabiici ah.

1/24/2019 4:37 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay xalay weerar ku qaadeen guri uu magaalada Baydhabo ka degenaa xildhibaan Carfo Ibaahim Aadan oo ka mid ah baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed.

1/24/2019 12:48 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Waxaa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxaysa dowladda Venezuela iyo dalka Mareykanka.

1/24/2019 12:43 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- War saxaafadeed kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool dowlad deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka caalamiga ah.

1/24/2019 12:35 AM EST
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor horeba sii sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada sanadka 2020-2021ka.