Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- War saxaafadeed
kasoo baxay ururka ONLF ayaa lagu sheegay in shacabka soomaalida ee ku nool dowlad
deegaanka ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan arrimahooda siyaasadda isla
markaasna ay ismaamulaan sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya iyo xeerarka
caalamiga ah.
ONLF
waxay sheegtay in shacabka Soomaalida ay heystaan xoriyadda ah cidda ay u
dooranayaan inay qabato hoggaanka.
Waxaa
ay ugu baaqeen xisbiga haya talada Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dowladda
federaalka inay qaddariyaan rabitaanka iyo sharafta shacabka isla markaasna ay
ka hor yimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin kartaamniga iyo danaha shacabka
soomaalida.
Bayaanka
ka soo baxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta ee Ogaadeniya (ONLF) ayaa sidoo kale
lagu sheegay in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xalliyo si caddaalad ah iyadoo
lala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseeyso.
“ONLF waxaa ka go’an xaqiijinta nabadda iyo in
maamul dimuqraadi ah uu ka jiro Dowlad Deegaanka Soomaalida,waxaana loogu
baaqaya dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan mabaadii’daasi”
ONLF ayaa ugu danbeyntii ka codsaday xisbiga haya talada Dowlad
Deegaanka Soomaalida in khilaafka soo kala dhexgalo ay iyagu xalliyaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]