Shariif Sheekh Axmed oo goor hore ku sii dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweyne sanadka 2020 ka
Khamiis, Janaayo, 24, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif
Sheekh Axmed ayaa goor horeba sii sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka
madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada sanadka 2020-2021ka.
Waxaa uu sheegay in uu mar kale u tartami
doono xilka madaxweynaha Soomaaliya si dalka looga badabaadiyo Al-Shabaab iyo
Kooxaha kale, madaama uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yaqaan sida uu
hadalka u dhiggay wax-qabadkiisa wanaagsan.
Sababta uu mar kale isku soo sharaxay ayuu ku
sheegay in qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ka dalbadeen in uu mar kale
isku soo sharaxo xilka ugu sareysa dalka ee madaxweyne.
“Awood la’aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay
inaan markale siyaasadda ku soo laabto.”ayuu u sheegay wargeyska Standard
Digital Shariif Sheekh Axmed.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray Musharax Shariif in dowladda hada
jirtaa aysan waxba u qaban dalka.
“Waxaan cadeynayaa in aan calanka u qaadi doono
xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka
jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo
Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.
Inkastoo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha
ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u harsan tahay wax ka badan Labo sanadood
ayaa hadda dhinaca kale waxaad moodaa in uu dalku gallay olole doorasho marka
la eego isbaheysiyada sameysmaya iyo hadallada ay warbaahinta isku marinayaan
hoggaamiyayaasha dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]