4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay in Xabsiga dhexe lagu sii hayo eedeysane u dhashay UK

 Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sano jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

Antony Thomas  ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka wax-yaabaha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd  19-kii bishaan waxay ay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda  Muqdisho waxaa ay ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta dambi baarista ee CID.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]