4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Jen Cabdullaahi Cali Mire Carays oo Garoowe ku geeryooday

 

Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland, AUN Jen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa ku geeryooday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.


Jen Carays ayaa ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Soomaaliya, waxaa lagu xasuusta doorkiisi dhismaha ciidanka Puntland iyo howlihii amniga ee deegaannada Puntland.


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay afka golayaasha xukuumadda Puntland  ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Jen. Cabdullaahi Carays.


Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah tacsi ugu direy, dhammaan shacabka Soomaaliyeed , eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday marxuun Jen Cabdullaahi Carays.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]