4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Loolan siyaasadeed oo ka jira Ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida

 

Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar ayaa maalin ka hor labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana markii uu dib ugu soo laabtay Jigjiga la sheegay in uu kulamo la qaatay golihiisa wasiirrada oo la aaminsan yahay in uu kala hadlayo xaaladda taagan.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan  kala kulmayo siyaasiyiin horay uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la  dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in markale qeyb ka  noqdaan golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka, mowqifkaasi oo uu  taageersan yahay Axmed Shide, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee  deegaanka.

Inkastoo aysan si rasmi  ah u soo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka  qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la  isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad  deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne.

Golaha  wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa  in ay arinta shir ka yeeshaan, iyadoo magaalada Jigjiga laga  soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee  sanadkii 2018 ayaa hadda u muuqda in uu wajahayo caqabado badan oo ku aadan  sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii  hore ee deegaanka.

Dadka badan ayaa ka shaki qaba in labo arrimood midkood uu keeni doono khilaafka la sheegayo oo kala ah  in uu galaafan doono Mustafe Cagjar, iyo in uu wiiqi doono  saameynta Axmed Shide, oo ay xulafo yihiin dowladda federaalka Itoobiya.  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]