4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Maxaa ka jira in hubkii lagu weeraray hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi uu ahaa kan ay isticmaasho dowladda Soomaaliya

 

Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Kenya oo sheegtay in hubkii dhawaan lagu weeraray DusitD2 Hotel magaalada Nairobi uu ahaa hubka ay isticmaasho dowladda Soomaaliya oo laga helay sumadda hubka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

Cabdisaciid Muuse Cali oo ah lataliyaha dhinaca Amniga madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in warkaasi yahay mid aan waxba ka jirin, madaama sida uu hadalka u dhigay aysan jirin wax cadeymo ah oo la soo bandhigay.

“Anaga iyo dowladda Kenya xiriir ayaa naga dhaxeeyaa waxay noo  caddeeyeen hey’adahooda amniga in war sax ah aysan aheyn, marka waxay  ila tahay qofka wareysiga bixiyay, wuxuu yiri waxay u muuqataa ama u  egtahay, wararka noocaas ahna waa mala awaal iyo qiyaas, waxaa cad dadka  meesha weeraray in ay u dhasheen Kenya, hubka qof walba waa heli karaa  Al-Shabaabna meel kasta ayay joogaan qeyb ka mid ahna waa Kenyan”ayuu  yiri La Taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da.

Wargeyska Daily Nation oo soo xiganaya saraakiil Booliis ah ayaa sheegay in Kooxdii gudaha u  gashay hotelka DusitD2, ay wateen 5 qori, qaarkood waa laga tirtiray  Lambarada lagu aqoonsado hubka dalka laga leeyahay , laakiin labo ka mid  ah ayaa laga helay Caalamad lagu yaqaano hubka ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyeed.

“Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay  14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda  ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay wargeyska DailyNation.

Laakiin La taliyaha madaxweynaha ee dhinaca Amniga ayaa sheegay in qoryaha ay leedahay dowladda ama kuwa ay soo degsatay ay leeyihiin Nambaro, isla markaana la ogaan karo askariga ku qoran iyo meesha uu ka baxay.

Cabdisaciid ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka codsadeen inay u soo gudbiyaan xogta qoryahaas, balse aanay weli si rasmi ah ugu soo gudbin, maadaama ay jiraan meelo ay dowladaha ku wada hadlaan, welina aanay jirin caddeyn cad oo ku saabsan in qorayahaas ka yimaadeen Soomaaliya.

Weerarkii dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay Ururka Al-shabaab oo siweyn uga soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo quwadaha shisheeye ee taageerada Militari siiya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]