4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Shaqaale ka tirsanaa Wasaarradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho lagu dilay

 Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen xaafadda Al-Barka ee magaalada Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha Wasaarradda arrimaha Gudaha dowladda Soomaaaliya

Ninkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Maxamed Cosbole, waxaana uu Wasaarradu ugu shaqeynayay xirfadda Darawalnimada, waxaana la toogtay xili uu ka soo baxayay gurigiisa.

Kooxdii toogashada geystay ayaa goobta isaga baxsatay,  ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Dilalka magaalada Muqdisho ay ka geystaan kooxaha hubeysan ayaa waayadii ugu danbeeyay ahaa kuwo sii kordhaya, ma jiro wax war ah oo ay ilaa iyo hadda ka soo saareen laamaha Amniga dowladda, marka laga soo tago baaritaannada ay sameeyaan ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]