4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaga Kanada oo la kulmay Jaaliyada Soomaalida ee Magaalada Ottawa

Arboco, Janaayo 23, 2019 (HOL) - Iyadoo doorashad federaalka Canada ay dhici doonto dhamaadka sanadkan ayaa waxaa magaalada Ottawa ka dhacay kulan uu Wassirka Socdaalka iyo Jinsiyadaga Kanada la yeeshay jaaliyada Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ee Kanada.

Munaasabada kulankan oo ay soo qaban qaabisay Xildhibaan Anita Vandenbeld oo laga soo doorta galbeed magaalada Ottawa oo Soomaali badan degan yahiin ayaa aheyd mid si fiican looga soo qabgalay.

Xildhibaanada ayaa marka hore umahad celisay Wasiirka ka soo qayb galka kulanka, kadibna ka hadashay muhiimada ay Kanada u leeyihiin dadka soo  galootinka ah (immigrants). Xildhibaanada ayaa qirtay in dalka Kanada ay ku adkaan lahayday inay keento 25,000 qaxooti Syrian ah laakiin ay ku guuleysta inay dejiso labaatan iyo shan  kun oo qaxooti Syrian ah taasina mahadeeda waxay siisay shacabka ku nool Canada.

Wasiirka ayaa warbixin balaaran ka bixiyay howlahii uu qabtay mudadii oo hayay wasiirnimada kuwaas oo ay ka mid ahaayeen inuu soo gaabiyay mudadii la sugi jiray isbonsarka (sponsorship) taas oo uu ku soo koobay wax ka yar 12 bilood iyadoo markii ay jirtay dowladii hore la sugi jiray 3 sano ama kabadan. Waxuu intaas ku daray in mudadii la sugi jiray qaadashada jinsiyada Kanada oo uu ku soo koobay 2 sano iyadoo markii hore la sugi jiray 3 sano iyo kabadan. Wasiirka ayaa kula taliyay dadka ay ka haysato dhibaato keenitaanka dadkooda dibada jira inay la xeriiraan xildhibaanka laga soo doortay degaankooda. Wuxuu sidoo kale u xaqiijiyey dadweynihii ka soo qay-galay kulankaas in bishan Janaayo 28keeda uu furmidoono fursadda aad ku keeni karto waalidiintaada.

Wasiir Axmed Xuseen ayaa ah Xildhibaan laga soo doortay xaafadda York South—Weston ee magaalada Toronto. Xaafadaas ayaa waxaa deggen Soomaali badan. Wasiir Axmed ayaa dalka Kanada ku yimid isaga oo qaxooti ah, haddane wasiir ka ah wasaaraddii isaga siisay jinsiyadda dalka Kanada.