4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 23, 2019
Dagaalyahan ka tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Booliiska dalka Kenya

 

Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Hay'addaha nabad-galyada dalka Kenya ayaa baaritaan ku wadda nin 23 jir ah oo ka  baxsaday xero ay tababar ku siinayeen kooxda Al-Shabaab, markii uu isu dhiibay Saldhigga Boliiska degaanka Nakuru.

Samuel Obara, oo ka mid ah Saraakiisha Boliiska ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in uu Ninkan tagay Saldhigga Maqribnimadii Axaddii ee Todobaadkan, xubinna uu ka ahaa Ururka Al-Shabaab.

Mr Obara ; ayaa sheegay in xilligii uu Ninkani u imanayay uusan wadan wax Hub ah, iyadoo si deg-deg ah uu u qaabbilay Xafiiska baarista dembiyada culus ee Nakuro , waxaana sidoo kale codsaday in ay su’aalo weydiiyaan Ciidanka ka hortagga argagixisada ee Degmada Eldoret si loo hubiyo tuhmanaha.

Dembi baare sare, oo Magaciisa qariyay, ayaa u sheegay Jariiradda Daily Nation, in uu Ninkani ka baxsaday Xero tababar oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaanka Bomboolulu , oo ka tirsan Gobolka Mombasa , kana baqaya Khatar xagga nolosha ah oo kaga timaaddo argagixisada.

Ninkan ayaa sidoo kale Boliiska Kenya u sheegay in uu Al-Shabaab ku biiray Bishii September 2018-kii, Muddo Shan Bil ahna uu tababar qaadanayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]