3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2019
Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

 

Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay howlgal lagu  ka dhan ah Ururka Al-shabaab-ka ka dhex dagaalama gudaha dalka Kenya kaddib markii uu kulan la qaatay hay’addaha Ammaanka dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ku dhawaaqay in dowladda Kenya ay sameysay xarun loogu tala galay in lagu Keydiyo dadka soo galiya gudaha Kenya ee ka imaanaya Soomaaliya si aysan ugu soo dhex dhuuman Al-shabaab.

Hay’addaha Ammaanka iyo guddoomiyayaasha gobollada  ayuu ku amray in ay fuliyaan howlgallo joogto ah oo lagula dagaallamaayo Al-shabaab.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in haddii ay qabtaan Al-shabaab aysan xiri doonin isagoona sheegay in ay dili doonaan ka dibna ay aasi doonaan.

Kenyatta ayaana dadka Kenyaanka ah uga digay in ay gur-yahooda ay ku qariyaan dagaalyahana Al-Shabaab.

Isagoona ugu baaqay dadka degan magaalo xeebeedka Lamu in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay geysanayaan Alshabaab.

Baaq madaxweynaha ayaa imanaya xili dhawaan Al-Shabaab weerar Khasaare badan dhaliyay ay ku qaadeen Hoteel ku yaalla Magaalada Nairobi,halkaasoo ay ku dileen 21 qof , sidoo kalena ay ku dhaawacmay ku dhawaad 40 qof.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/23/2019 10:43 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sano jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

1/23/2019 9:58 AM EST
Arbaco, Janaayo 23, 2019 (HOL)- Xisbiga WADANI ayaa xukuumada usoo jeediyey lix qodob oo ay suurogal ku tahay inay doorasho ku dhacdo, waxaanay madaxweynaha ugu baaqay inuu la yimaado tanaasul iyo tudhaale bulshadeed.

1/23/2019 7:42 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland, AUN Jen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa ku geeryooday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

1/23/2019 7:26 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

1/23/2019 7:13 AM EST
Arbaco,,Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyn uga timid dhinaca dowladda Kenya oo sheegtay in hubkii dhawaan lagu weeraray DusitD2 Hotel magaalada Nairobi uu ahaa hubka ay isticmaasho dowladda Soomaaliya oo laga helay sumadda hubka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya

1/23/2019 7:09 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Munaasabad ka dhacaysa daba-yaaqadda bishan magaalada Garoowe oo lagu caleema-saarayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa ,Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa hadal hayn xooggan dhalisay, kaddib markii la sheegay siyaasiyiinta dowladda ka soo horjeedda iyo madaxda sare ee dowladda federaalka inay ka qaybgalayaan.

1/23/2019 3:56 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Sida laga soo xigtay Wakaaladda Warakka Turkiga ee ANADOLU, Hay’adaha ammaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 178 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo la sheegay in si sharci daro ah ay ku galeen dalkaas.

1/23/2019 3:53 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in rag hubeysan ku dileen xaafadda Al-Barka ee magaalada Muqdisho mid ka mid ah shaqaalaha Wasaarradda arrimaha Gudaha dowladda Soomaaaliya

1/23/2019 1:56 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa sheegay in dalka oo gacan adag lagu qabto laga dhax-lay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira.

1/23/2019 1:25 AM EST
Arboco, Janaayo 23, 2019 (HOL) - Iyadoo doorashad federaalka Canada ay dhici doonto dhamaadka sanadkan ayaa waxaa magaalada Ottawa ka dhacay kulan uu Wassirka Socdaalka iyo Jinsiyadaga Kanada la yeeshay jaaliyada Soomaalida ku nool magaalada Ottawa ee Kanada

1/23/2019 12:47 AM EST
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Hay'addaha nabad-galyada dalka Kenya ayaa baaritaan ku wadda nin 23 jir ah oo ka baxsaday xero ay tababar ku siinayeen kooxda Al-Shabaab, markii uu isu dhiibay Saldhigga Boliiska degaanka Nakuru.