4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2019
Jaamacadda SIMAD oo daah furtay Isbitaal lagu magacaabo Dr. Sumait Hospital


Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL) – Jaamacadda SIMAD ayaa daahfurtay Dr. Sumait Hospital oo ah isbitaal casri ah looguna talagalay in uu Umadda Soomaaliyeed ka haqab tiro adeegyada caafimaadka ee ay u baahanyihiin, sidoo kalena uu ardayda Jaamacadda SIMAD gaar ahaan ardayda Kulliyadda Caafimaadka u noqdo xarun sare u qaada cilmiga caafimaadka oo ay jaamacadda ka bartaan.

Isbitaalka waxaa daah-furay Dr. Abdirahman Salah Al-Muheilan oo ah Gudoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda SIMAD. Waxaana daahfurka ku wehliyay xubnaha kale ee Golaha Sare iyo weliba maamulka sare ee Jaamacadda.

Isbitaalka oo ah mid casri ah oo ay u dhamaystiran yihiin agabkiisa ayaa waxaa uu leeyahay Dhaliyayaasha Hawada (Oxygen Generators), qeybta sheybaarka, gargaarka deg degga ah, saalada qaliinka oo casri ah, qeybta dhalmada, xanaanada dhiciska iyo qeybo kale.

Dr. Al-muheylaan oo ah guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda oo xarig jarka kadib saxaafadda lahadlay ayaa ugu horeyn faahfaahiyay ujeedka loo furay isbitaalkaan oo uu ku sheegay in loogu talagaliyay la tacaalidda adeegyada caafimaad ee bulshada soomaaliyeed. Waxaa uu u duceeyay Marxuum Xiirey Qaasim oo ah muwaadin Soomaaliyeed kaas oo si samafal ah ugu deeqay dhulka laga dhisay isbitaalka.

Guddoomiyaha Jaamcaadda SIMAD, Dahir Hassan Arab, oo munaasabada kahadlay ayaa uga mahadceliyay hey’adda DirectAid taas oo maalgelisay isbitaalka. Gudoomiyaha waxa uu sidoo kale u mahadceliyay shaqaalaha Jaamacadda SIMAD oo shaqa fiican ka qabtay isbitaalka inta dhismihiisu uu socday. Ustaad Dahir ayaa carabka ku dhuftay in isbitaalku uu noqon doono mid umadda Soomaaliyeed ka haqab tira baahiyaha caafimad ee had iyo jeer ay ugu baxaan dibedda.

Talaabadaan ayaa la micna ah in Jaamacadda SIMAD ay adeegyadii hore ee waxbarashada ku soo kordhisay adeega dhinaca caafimaadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]