4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2019
Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka Itoobiya u joogi doonna Somaliland

 

Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka cusub ee Itoobiya u joogi doonna Somaliland Amb:Shamsudiin Axmed Rooble.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Somaliland.

“Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka in uu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu sheegay in lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.