4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2019
Howlgal lagu qabtay Saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab gobolka Bakool

 

Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ka sameeyeen gobolka Bakool lagu soo xiray saddex ruux oo ka tirsan saraakiisha qeybta Amniyaadka Ururka Al-shabaab.

Howlgalkan oo ay ciidamadu sameeyeen habeennimadii Axada ayeey sheegeen saraakiishu ay qabteen Saddex sarkaal oo sar sare oo ka tirsan Amniyaadka Ururka  Al-shabaab.

''Ciidamadu waxey howlgal ku qabteen saddex xubnood oo ka tirsan Uurka Al-shabaab oo qorsheynayay weerarro Argagixiso iyo waliba dilal qorsheysan'' ayuu sheegay sarkaal u hadlay ciidamada,

Howlgalka ayaa imanaya xili sidan oo kale howlgalo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deeganno ka tirsan gobollada Bartamaha iyo Koonfur Soomaaliya lagu qabtay xubno kale oo ka tirsan isla Ururka Al-shabaab.

Gobolka Bakool ayaa ka mid ah deegaannada ay go'doomiyeen xoogagga Al-shabaab

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]