4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2019
Mohamed Abduba Dida ayaa ka soo Qaybgalay Mu’tarmarka Sanad-laha ah ee Masjidka Madina Islamic Center ee Magaalada Salt Lake City, U.S.A

 

Talaado 22 Janaayo 2019 (HOL) Mu’tamarka sanadlaha ah ee sanad walba uu qabto Madina Islamic Center ayaa usbuucaan ka dhacay magaaladan Salt-Lake City, ee gaobolka Utah. Kulankan ayaa lagu maamuusay soo dhawente Sh. Mohamed Abduba Dida oo laba jeer u tartamay xilka madaxweynaha ee dalka Kenya kana gaaray heer sare.

Masjidkan ayaa ka dhexeeya muslimiin dalalka ay ka soo kala jeedaan ay aad u kala duwanyoihiin. Ugu horreyntina HOL ayaa waydiisay Dida sababta uu uu adduunka u wareego? Jawaabaha

Xafladan waxaa ka soo qayb gelay dadweyne fara badan, kuwaasoo ay ka muuqatay qanac weyn iyo shucuur qiiro huwan. Culumadii lagu marti qaadayna waxaa ka mid ahaa Sheekha Ahmed-dayib Sh. Abdirahman Ibrahim, Sh. Abdulkhaaliq Abukar Diriye iyo Sh. Mohamed Abduba Dida oo halkaas ka soo jeediyay muxaadaro qiimo badan oo isugu jirta talooyin, tusaaleyn iyo tilmaamo togan oo la tiigsan karo. Ardada masjid Madina ayaa iyaguna waxa ay soo bandhigeen nashiidooyin ay si habsan ugu luuqeeyeen.

Xafladaan waxaa soo agaasimay Imaam Yussuf Abaadir iyo xertiisa oo u badan dhallinyaro Soomaali ah oo badnkood ku dhashay dalkaan Mareykanka. Marka aad aragto isfahanka ka dhexeeya Imaam yuusuf iyo xertiisa iyo waliba sida hufan ee ay iskula shaqaynayaan ayaad fahmaysaa ardayda dugsiyada Quraanka ee dalkaan Mareykanka inay ku yaryihiin macallimiin fahmi kara .afkooda iyo dhaqankooda oo ay aaminaan.


Waa markii labaad oo Sh. Mohamed Abduba Dida uu soo booqdo gobolkaan, waxaana la rejaynayaa inuu soo booqan doono jaaliyadaha kale ee Soomaalida ee ku dhaqan gobollada kale. Ilaa haddana waxaa la hubaa inuu soo booqan doono masjidka Rawdah ee magaalada Minneapolis.

Muslimminta Mareykanka ayaa guud ahaan u eg kuwo gacan ku gabbad ah kadib markii la doortay Madaxweynaha mayalka adag ee Donald Trump.

Hogaamiye, macallin Dida ayaa yimid dalkaan Mareykanka sanadkii 2015-kii xilligaas oo uu ka qayb galay shirka culumada diimaha caalamka, waxaa uuna joogay hal maalin oo kaliya.

Mohamud Dulyadeyn

[email protected]