3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2019
Dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab

 

Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan  uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw tuulada Deynuunaay oo u dhaxeysa Baydhabo iyo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, kaddib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Ethiopia ah oo ku sii jeeday dhinaca Baydhabo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka oo leysku adeegsaday hub culus uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalanka waxaa ay sheegeen in ay ku dileen dagaalka 53 Askari, laakiin ma jiraan ilo madax-bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada AMISOM qeybtooda Koonfur galbeed oo ka hadlayay dagaalkan dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 
 













Click here
1/18/2019 9:07 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay xariga Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la sheegay in uu laaluush qaatay.

1/18/2019 6:43 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba qorshaheedu aheyn in ay la kala safato wadamada siyaasad ahaa isku haya ee ka wada tirsan Khaliijka.

1/18/2019 4:22 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed u ogolaanayo qaxootiga ku nool dalkaasi inay helaan xuquuq dheeri ah.

1/18/2019 4:12 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beydhabo kulan gaar ah kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.

1/18/2019 12:48 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dib u dhigay safar ay gudoomiyaha aqalka Kongarees-ka maalmaha soo socda ku tegi lahayd magaalada Brussels iyo dalalka Afgaanistaan iyo Masar, waxaa uuna go'aankaasi sabab uga dhigay hakinta ku timid qayba ka mid ah adeegyadda dowladda.

1/18/2019 12:41 AM EST
Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL) –Wasiirka ku-xigeenka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ku dhawaad 100 ruux oo rayid ah ka qaafasheen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.