4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2019
Dowladda oo xirtay Askari laaluush ka qaatay qof shacab ah oo gaari watay

 

Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay xariga Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la sheegay in uu laaluush qaatay.

Afhayeenka ciidamada booliiska Khaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Askariga uu ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo lacag dhan $ 5 dollar ka qaadanaya Nin shacab ah oo gaari watay.

‘’Askarigan la xiray waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cabdulle Xassan ayaa maalintii shalay joojiyay mid ka mid ah gaadiidka magaalada Muqdisho oo qof Shacab ah oo uu watay, waxaa uu ka qaaday Buuggii gaariga, kaddibna waxaa uu yiri Leysan-kii ma hayo, markii uu intaa yiri –na waxaa uu weydiistay lacag dhan $ 5 dollar, markii uu arintaa ogaaday taliyaha ciidamada Booliiska waxaa uu amar ku bixiyay in la soo xiro Askarigaa oo loo gudbin doono maxkamad’’ ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska.

Waxaa uu uga digay ciidamada dowladda Soomaaliya in ay isku dayaan qaadashada lacagaha baadda ah ee dadweynaha, isaga oo dhinaca kalana kula dardaarmay bulshada in ay laamaha Amniga la soo socodsiiyaan kuwa dhibaatada ku haya ee ciidamada ka tirsan.

Horey dowladda Soomaaliya ayaa sidan oo kale xabsiga u dhigtay ciidamo ka tirsan dowladda oo danbiyo kala duwan ka galay dad shacab ah kuwaa oo qaarkood lagu xukumay dili, kaddib markii ay si bareer ah u dileen dad rayid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]