4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2019
Wasiir Cawad “’ Annaga marnaba qorshaheenu ma’aha in aan la kala safanno wadamado aynu saaxiib nahay

 

Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaarradda arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba qorshaheedu aheyn in ay la kala safato wadamada siyaasad ahaa isku haya ee ka wada tirsan Khaliijka.

Wasiirka ayaa sheegay in markii uu soo ifbaxay go'aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka  dowladdaha Khaliijka, in ay jireen dowlado markiiba ku colaadiyay Soomaaliya go’aankaa ay iskeed u qaadatay.

‘’Dowladdaha oo dhan wey noo siman yihiin dowlad aan dagaalkeeda rabno ma jirto, Sacuudiga ayeeynaan la dagaalsameyn, Imaaraadka ayeeynaan la dagaalsaneyn, sidoo kale Qatar, laakiin markii aan go’aankan qaadanay dowladdaha qaar wey ka xumaadeen oo wey nagu colaadiyeen’’ ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in dowladdaha qaar iska dhigayeen in ay dadka jajuubi karaan.

Laakiin wuxuu sheegay in muddo kaddib fahminkii dowladdahaas uu soo hagaagay isaga oo tusaale u soo qaatay dowladda Sacuudiga oo dhowr jeer ay booqasho ku tageen madaxda ugu sareysa dalka wixii ka danbeeyay go’aankii ay ka qaateen khilaafka dhaxdooda ah.

‘’ Inkastoo aynaan xabadka isku qaadin oo si dhab ah arinta looga heshiinin, haddana waxaad moodaa in dowladdaha qaar garwaaqsadeen go’aankeena, Sacuudiga ayaa ka mid ah, oo waad ogtihiin inta jeer ee uu madaxweynaha tagay, ra’iisal wasaaraha iyo Annigaba booqanay,hadda ayaa ugu danbeysay oo Wasiirka Warfaafinta uu ka soo laabtay ‘’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in xitaa dowladdaha waaweyn ee reer galbeed iyo Mareykanku ku ixtiraameen dowladda Soomaaliya go’aankii ay waqtigaa ka qaadatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeyay wadamada Khaliijka.

‘’Dowladdihii dariska nala ahaa ee colada nagala dhaxeysay ayaan dooneynaa in aan la heshiinno, sidaa daraadeed maba jirto sabab dowladdo kale oo aan saaxiib-nahay dagaalkooda u raadinno,’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Laakiin wuxuu qiray in wali dowladda Imraaadka aysan ku qancin si la mid ah Sacuudiga go’aanka dhaxdhaxaadnimada ah.

‘’Imaaraadka ayaad wali moodaa in ay wax xoogaa dhinacooda ku qanacsaneyn, laakiin iyaguna wey iska soo daawoobayaan, waayo Annagaba cidna ma dhahno kaaliya oo dowladdaha kale ee aan dariska nahay ee colaadu naga dhaxeyso nagala safta, sidaa daraadeed ma jirto sabab annagana naloo dhihi karo’’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili wali uu jiro kala shaki siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo ifbaxay go'doomintii Qatar ay ku sameeyeen dowladdaha Khaliijku oo ay hor boodayeen Imaaraadka iyo Sacuudiga. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]