4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2019
Al-shabaab oo ku dhawaad 100 ruux ka qafaashay deegaanno hoostaga gobolka Bakool

 

Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL) –Wasiirka ku-xigeenka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ku dhawaad 100 ruux oo rayid ah ka qaafasheen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.

Wasiirka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dadka la qafaashay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah oo sida uu hadalka u dhigay iska diiday wax ay ugu yeereen Shabaab-ka Zakawaadka laga qaado dadka reer Miyiga ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku jiraan dad ay ku eedeeyeen in ay basaas u yihiin dowladda iyo kuwa kale oo ay ku sheegeen in ay ka mid ahaayeen ergooyinkii soo doortay xildhibaannada.

Dadka la qafaashay ee ku maqan gacan ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah dadka iyagu ka ganacsada Khaadka oo aan laga ogoleyn deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, kuwaa oo la qabtay iyaga oo Khaad u iibgeynaya dhulka ay dowladdu maamusho.

Taliska ciidamada Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhinacooda sheegay in ay qorsheynayaan howlgalo ay ku doodanayaa in ay ku soo furtaan dadka la heystayaasha ah ee ku jira gacanta Al-shabab.

Al-shabaab ayaa go’doomin ku haya deegaannada ay dowladdu maamusho ee gobollada Baay iyo Bakool gaar ahaan degmada Xudur ee xarunta u ah gobolka Bakool.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]