Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL)–Madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula
qaatay magaalada Baydhabo Odayaasha iyo duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa
ku ammaanay kaalinta ay ka gaysanayaan taabbo gelinta hawlaha nabadeynta iyo
dib u heshiisiinta bulshada degaannadaasi.
Madaxweynaha,ayaa dul istaagay sida shacabka ay
ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka, taasoo ay tahay in lagu xoojiyo
dowladnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha
dhaqanka uu la kulmay kaalinta ay ka qaateen samata bixinta dalka, iyagoona u
soo dhabar adaygay dadkooda waqti ay jireen duruufo aad u adag.
Dhankooda, duubabka dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa
uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobollada Baay, Bakool iyo
Shabeellaha hoose, iyagoo la wadaagay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay ka qabaan
dib u xoreynta degmooyinka wali ku jira Gacanta argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Maalintii Labaad ku sugan Magaalada
Baydhabo ayaa kulamo wada tashi iyo is-xog waraysi ah la yeelanaya hoggaanka
iyo waxgaradka degaanka.
Kulanka madaxweynaha ayaa odayaasha ayaa imanaya iyadoo waxgaradka iyo odayaasha Koonfur Galbeed siweyn uga xumaadeen xariggii dowladda Soomaaliya ay kula kacday Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ay dowladda xirtay maalmo ka hor waqtiggii doorashada madaxweynaha isaga oo ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]